Waxaa maanta qabsoomay kulan wadatashi ah oo u dhexeeyay Wasaaradda/Dardargelinta Kor-u-qaadista Dakhliga Dowladda iyo Ganacsatada Gobolka Waqooyi Bari Soomaaliya, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta dakhliga guud ee dowladda, horumarinta adeegyada bulshada, iyo adkaynta wada-shaqeynta dowladda iyo ganacsatada.
Kulanka ayaa lagu falanqeeyay muhiimadda ay leedahay in la kordhiyo dakhliga gudaha, kor u qaadista isla-xisaabtanka, iyo doorka ganacsatadu ku leeyihiin taageeridda horumarka dalka. Sidoo kale, waxaa la isla qaatay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta labada dhinac si loo gaaro himilooyinka horumarineed ee Dowladda.
Intii uu socday kulanka, waxaa sidoo kale lagu dhawaaqay in si rasmi ah loo hirgelin doono Tarciifada Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya laga bilaabo 13-ka Juun 2026, taas oo ku beegan Maalinta Sabtida.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo kobaca dhaqaalaha, daahfurnaanta maaliyadeed, iyo horumarinta adeegyada ay shacabka ka helaan dowladda.
