Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

9 / 100 SEO Score

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyo weftigii uu hoggaaminayey ayaa xalay kulan casho iyo is-barasho ah la yeeshay madaxda shirkadaha waaweyn ee dalka Israel, maal-gashadayaal caalami ah iyo hoggaamiyeyaasha ururrada ganacsiga.

Madaxweynaha iyo xubno ka tirsan weftigiisa ayaa faahfaahin ka bixiyey fursadaha maalgashi iyo ganacsi ee ka jira Somaliland, gaar ahaan qaybaha xoolaha, beeraha, kalluumaysiga, macdanta, tamarta, shidaalka, dhaqaalaha buluugga ah iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa iftiimiyey amniga iyo xasilloonida Somaliland, goobta istiraatijiga ah ee ay ku taallo, khayraadka dabiiciga ah ee ay hodanka ku tahay, iyo siyaasadaha lagu dhiirrigelinayo maal-gashiga shisheeye.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhaqaale, ganacsi iyo maalgashi ee u dhexeeya Somaliland iyo Israa’iil, iyadoo la abuurayo xidhiidh iyo fursado cusub oo faa’iido u leh labada dhinac.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa ganacsatada iyo maal-gashadayaasha Israa’iil ku dhiirrigeliyey inay ka faa’iidaystaan fursadaha maalgashi ee Somaliland, isaga oo xaqiijiyey in Somaliland ay diyaar u tahay iskaashi ku dhisan kalsooni, dano-wadaag iyo horumar wadajir ah.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

Phone

+252 61 2 77 99 79