Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

9 / 100 SEO Score

Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ee xarunta Kumeel-gaarka ah ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe uu dagaal culus ka dhacay meel aan ka fogeyn magaalada, kaas oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo ciidamo taabacsan madaxweynihii hore ee maamulkaasi, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).

Dagaalka ayaa la sheegay inuu billowday kadib markii ciidamada taabacsan Lafta-gareen ay weerar ku qaadeen bar-koontarool oo laga ilaaliyo magaalada Baydhabo. Iska horimaadka ayaa socday muddo kooban, iyadoo la isku adeegsaday hub culus iyo mid fudud.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in dagaalku sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaallamay, hase yeeshee illaa iyo hadda lama hayo tiro rasmi ah oo xaqiijinaysa baaxadda khasaaraha.

Xiisaddan ayaa daba socota isbeddelladii siyaasadeed ee ka dhacay Koonfur Galbeed, gaar ahaan kadib markii ciidamada dowladda ay awoodda kala wareegeen maamulkii hore ee uu hoggaaminayay Lafta-gareen. Arrintaasi ayaa keentay in ciidamada maamulkaasi ay u kala jabaan kuwo ku biiray dowladda iyo kuwo weli taageersan hoggaankii hore.

Sidoo kale, doorashadii dhowaan ka dhacday Baydhabo ee lagu doortay Hoggaamiyaha cusub ee Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa sii xoojisay khilaafka siyaasadeed ee ka taagan deegaanka.

Ciidamada taabacsan maamulkii hore ayaa horay u sheegay in aysan aqoonsaneyn natiijada doorashadaasi, iyagoo ku hanjabay inay qaadi doonaan howlgal ay ku tilmaameen mid lagu “xoreynayo” magaalada Baydhabo, halkaas oo ay hadda ku sugan yihiin ciidamada dowladda.

Xaaladda magaalada Baydhabo ayaa haatan deggen, balse waxaa weli jirta cabsi laga qabo in xiisaddu dib u soo cusboonaato, iyada oo ciidamada dhaqdhaqaaqyo ay ka wadaan goobta lagu dagaalamay.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

Phone

+252 61 2 77 99 79