Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

9 / 100 SEO Score

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa dhalinyarada Soomaaliyeed ugu baaqay inay u istaagaan badbaadada dalka, xilli Soomaaliya ay wajahaysa xaalad siyaasadeed oo cakiran.

Kheyre oo ka hadlay munaasabad lagu xusayay maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed iyo aas-aaskii ururkii gobannimo doonka Soomaaliyeed ee SYL, ayaa sheegay in dhalinyarada ay door weyn ku leeyihiin ilaalinta midnimada, dowladnimada, iyo mustaqbalka dalka.

Ra’iisul wasaarihii hore ayaa ugu baaqay dhalinyarada inay ka qeyb qaataan dadaallada lagu badbaadinayo dalka iyo xal u helidda xaaladda siyaasadeed ee taagan.

Sidoo kale, Xasan Cali Kheyre ayaa nasiib darro ku tilmaamay in dhalinyaro Soomaaliyeed ay wali xiran yihiin xilli loo dabaaldegayo maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed, isaga oo ku baaqay in la dhowro xorriyadda iyo xuquuqda dhalinyarada.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Phone

+252 61 2 77 99 79

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

© 2025 Dalbilemedia. Xuquuqdu way dhawran tahay