Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

11 / 100 SEO Score
Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga- Dowladda Jubaland, Mudane Cabdirahmaan Abdi Ahmed ayaa kulan heer kiisu sareeyo la yeeshay Masuuliyii ka socday Dalada Findland-Somalia Network oo ah dalad ay ku mideysanyihiin hay’ado ka shaqeeya mashaariic horumarineed oo laga fuliyo soomaaliya.

Intii uu kulanku socday, waxaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira mashaariicda horumarineed ee ay hay’aduhu ka fuliyaan Soomaaliya, gaar ahaan deegaannada Jubaland. Sidoo kale waxaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashi iyo wada-shaqeyn rasmi ah oo u dhexeysa Jubaland iyo hay’adaha xubnaha ka ah dalada.

Wasiirka ayaa Dalada ku bogaadiyey sidey uga go’antahay hawlaha hortabinta leh ee ay ka fuliyaan dalkeena gaar ahaan Jubaland wuxuuna ku booriyey in ay sii laba jibaaraan isagoo warbixino kooban ka siyey mashaariicda iyo fursadaha kala duwan ee ka banaan dalka isla markaana balan qaaday in Dowlada jubaland ay diyaar u tahay cid kasta oo dalka maal, fikir iyo aqoon gelineysa in ay u fududeyneyso.

kulanka ayaa ku soo idlaaday miro dhal iyo in la dardargeliyo hawlaha hormarineed ee dalada.

Wasiir Cabdirahmaan ayaa Sii joogi doona Caasimadda Helsinki ee dalka Finland, isagoo kulamo kala duwan la yeelan doono qaar kamid ah daneeyayaasha arimaha hormarinta Soomaaliya.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Phone

+252 61 2 77 99 79

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

© 2025 Dalbilemedia. Xuquuqdu way dhawran tahay