Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

9 / 100 SEO Score

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa booqday fariisimaha Ciidanka Xoogga Dalka ay ku leeyihiin Magaalada waajid ee Gobolka Bakool.

Wafdiga Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka gen Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa waxaa Degmada waajid kusoo dhaweeyay Saraakiil ka tirsan Ciidanka XDS.

Ujeedka Safarka Taliyaha Ciidanka XDS uu ku gaaray Magaalada Waajid ayaa daarnaa Dar dargalinta Howlgalo ka dhan ah Maleyshiyaadka Nabadiidka ah iyo Dhiiraglinta geesiyaasha Xoogga Dalka

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan waajid ayaa Taliyaha ugu warbixiye xaaladda amni, guulaha laga gaaray dagaalka

Gen Ibraahim Maxamed Maxamuud oo la hadlay Geesiyaasha ayaa Faray in loo baahan yahay sidii loo xoojin lahaa Howlgalada lagu Ciribtirayo Maleyshiyaadka nabadiidka ah.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kulan gaar ah la yeeshay odayaasha dhaqan degmada waajid

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa Noqonayo taliyihii ugu horeeyay ee Kormeer shaqo ku taga Magaalada Waajid ee Gobolka Bakool.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Phone

+252 61 2 77 99 79

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

© 2025 Dalbilemedia. Xuquuqdu way dhawran tahay