Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

13 / 100 SEO Score

Munaasabad si rasmi ah xariga looga jarayay Machadka FCS Faculty of Clinical Sciences ayaa lagu qabtay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, iyadoo machadkan cusub lagu baran doono culuumta kala duwan ee caafimaadka.

Machadkan ayaa loo aas-aasay sidii kor loogu qaadi lahaa tayada waxbarashada caafimaadka, loona yareyn lahaa baahida loo qabo shaqaale caafimaad oo xirfad leh, si bulshada ay u helaan adeegyo caafimaad oo tayo leh.

Munaasabadda daah-furka waxaa kasoo qeyb galay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Jubaland, maamulka machadka, maamule ku xigeenka Iskuulka Ganaane, arday iyo marti sharaf kale. Mas’uuliyiintii goobta ka hadlay ayaa sheegay in furitaanka machadkan uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo waxbarashada iyo adeegyada caafimaad ee Jubaland.

Maamulka machadka ayaa sidoo kale xusay in ardayda lagu tababari doono xirfado caafimaad oo casri ah, kuwaas oo ka qeyb qaadan doona buuxinta baahida caafimaad ee ka jirta gobolka iyo guud ahaan dalka.

Furitaanka Machadka FCS Faculty of Clinical Sciences ayaa la filayaa inuu sare u qaado tayada aqoonta caafimaadka, isla markaana fursado waxbarasho iyo shaqo u abuuro dhalinyarada ku nool Kismaayo iyo deegaannada ku dhow.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Phone

+252 61 2 77 99 79

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

© 2025 Dalbilemedia. Xuquuqdu way dhawran tahay