Ardayad Yusra Maxamuud Axmed oo kamid ah ardayda dhigata dugsiga hoose, dhexe iyo sare ee Faanoole isla markaana wax ka barata fasalka 8-aad, ayaa si heer sare ah u qortay una soo bandhigtay buugga ay ugu magac dartay “Noqo Qof Adag”.
Maamulka, macallimiinta iyo dhammaan bahda dugsiga Faanoole ayaa hambalyo iyo dhiirigelin u diraya Yusra, iyagoo ku bogaadinaya dadaalka, hibada iyo kartida ay muujisay.
Sidoo kale, waxaa si gaar ah loogu mahadcelinayaa waalidiinta ardayadda oo door weyn ka qaatay dhiirigelinta iyo taageerada gabadhooda, kana qeyb galay munaasabadda bandhigga buugga.

Maamulka Wuxuu sidoo kale u mahadcelineyaa dhammaan martidii kasoo qeyb gashay munaasabadda, gaar ahaan Xaaji Axmed Xaaji Aadan Ganeey oo kamid ah yagleelayaasha dugsiga Faanoole.
Ugu dambeyn, waxaa Alle looweydiyey Yusra Maxamuud Axmed inuu u fududeeyo waxbarashadeeda, kana dhigo mid sii wada dadaalka iyo hal-abuurka wanaagsan ee ay bulshada ku dayato.
