Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

9 / 100 SEO Score

Ciidanka NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan oo culus oo ka dhacay deegaanka Guulane ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo lagu dilay in ka badan 33 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, sida lagu sheegay qoraal ka soo bacay Taliska NISA.

Howlgalka koowaad ayaa lagu beegsaday guri ay ku sugnaayeen horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, halkaas oo lagu dilay ugu yaraan 15 xubnood. Sidoo kale, waxaa la burburiyay xaruntii ay ku sugnaayeen oo ay qorsheynayeen inay u adeegsadaan abaabulka maleeshiyaadka iyo maleegidda falal amni darro.

Dhanka kale, howlgallo isxig-xigay oo lagu beegsaday maleeshiyaad ku dhuumaaleysanayay isla deegaanka Guulane ayaa lagu khaarijiyay in ka badan 18 xubnood oo kale. Intaa waxaa dheer, ciidamada ayaa gubay gaari Cabdi-bile ah oo ay kooxda u adeegsaneysay daabulka iyo dhaq-dhaqaaqa maleeshiyaadka.

Howlgalladan ayaa yimid kaddib markii sirdoonka qaranku xaqiijiyay in maleeshiyaad gaaraya 90 xubnood lagu uruuriyay deegaanka, kuwaas oo la qorsheynayay in loo adeegsado falal amniga lid ku ah. Tallaabooyinkan ayaa si weyn u wiiqay abaabulkii iyo qorshihii ay wadeen Al-Shabaab.

Saraakiisha amniga ayaa sheegay in howlgaladu ay qeyb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo kooxda Al-Shabaab iyo sugidda amniga guud ee dalka.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Phone

+252 61 2 77 99 79

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

© 2025 Dalbilemedia. Xuquuqdu way dhawran tahay