Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

9 / 100 SEO Score

Magaalada Gaalkacyo ayaa xalay lagu afduubay Dr. Faarax Cabdi Maxamed, oo ka mid ahaa dhakhaatiirta ka howlgalaya isbitaalka guud ee magaalada, kana tirsanaa hay’adda Médecins Sans Frontières (MSF).

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeysan ay ka dambeeyeen afduubka dhakhtarka, kuwaas oo la sheegay inay hore u faafiyeen muuqaallo ay ku codsanayaan in la sii daayo nin laga soo qabtay gudaha Itoobiya, islamarkaana haatan ku xiran magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal.

Ninka ay dalbadeen sii deyntiisa ayaa la sheegay in loo haysto dilkii taliyihii ciidamada madaxtooyada Puntland, Col. Cismaan Cumar Maxamed (Cismaan Itoobiyaan), oo sanadkii 2020-kii lagu dilay magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Sidoo kale, wararka ayaa intaasi ku daraya in afduubka dhakhtarka uu salka ku hayo arrimo la xiriira aano qabiil ah, iyadoo la soo werinayo inuu dhakhtarka hayb la wadaagta Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni.

Falkan ayaa si weyn u cambaareeyay bulshada ku nool Gaalkacyo iyo guud ahaan gobolka Mudug, kuwaas oo dalbanaya in si degdeg ah loo sii daayo dhakhtarka, islamarkaana laga fogaado falalka amni darrada ah ee saameynaya shaqaalaha caafimaadka.

Ilaa iyo hadda, ma jiro wax ah  oo kasoo baxay laamaha ammaanka ee Puntland, balse waxaa la filayaa in arrintan ay dhalin karto cadaadis cusub oo ku saabsan xaaladda amni ee xillugan ka jirta gobolka Mudug.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Phone

+252 61 2 77 99 79

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

© 2025 Dalbilemedia. Xuquuqdu way dhawran tahay