Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

10 / 100 SEO Score

Villa Hargeysa ayaa maanta lagu wadaa inuu si rasmi ah uga furmo Kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyadoo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu jeedin doono khudbaddiisa dastuuriga ah ee furitaanka. Inta badan xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa shalay dib ugu soo laabtay dalka, si ay uga qeyb galaan furitaanka kalfadhiga iyo howlaha horyaalla Golaha.

Khudbadda Madaxweynaha ayaa la filayaa inay diiradda saarto xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha siyaasadda, amniga, dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo qorshayaasha dowladda ee bilaha soo socda.

Marka la soo gabagabeeyo furitaanka kalfadhiga, Baarlamaanka ayaa lagu wadaa inuu guda galo magacaabista Guddiga qabanqaabinaya doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka, iyadoo muddo kooban gudaheed la filayo in la qabto doorashada guddoonka Golaha.

Loolanka kursiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sii xoogeysanaya, waxaana u taagan xubno badan oo wada olole xooggan si ay u helaan taageerada xildhibaannada.

Dhanka kale, warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud, kadib furitaanka kalfadhiga, la filayo inuu u ambabaxo furimaha hore ee dagaalka si uu ula socdo howlgalada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee ka socda deegaannada lagula dagaallamayo Al-Shabaab.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

Phone

+252 61 2 77 99 79