Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

9 / 100 SEO Score

Nairobi: Soomaaliya oo qayb ka ahayd kalfadhiga Guddiga Fulinta ee UN-Habitat

Nairobi — Xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada Nairobi, waxaa ka qabsoomay kalfadhigii ugu horreeyay ee sanadkan ee Guddiga Fulinta ee hay’adda UN-Habitat. Shirkan oo ahaa mid heerkiisu sarreeyo, ayaa lagu falanqeeyay jihada mustaqbalka ee hay’adda iyo qaabka loo casriyeynayo magaalooyinka caalamka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shirkan ku lahayd metelaad muhiim ah, waxaana wafdiga hoggaaminayay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guryeynta, Mudane Saciid Maxamed Maxamuud (Xayd). Wafdiga waxaa qayb ka ahaa Danjiraha Soomaaliya ee dalka Kenya, ahna Wakiilka Joogtada ah ee hay’adda UN-Habitat, Jabriil Ibraahim Cabdulle, iyo saraakiil ka tirsan safaaradda.

Intii uu kalfadhigu socday, dalalka xubnaha ka ah UN-Habitat ayaa xoogga saaray sidii loo xoojin lahaa isla-xisaabtanka iyo hufnaanta maamulka maaliyadda ee hay’adda. Sidoo kale, waxaa laga dooday sidii loo horumarin lahaa degsiimooyinka bani’aadanka, iyadoo la raacayo yoolalka caalamiga ah ee horumarka waara (SDGs).

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle oo madasha ka hadlay, ayaa caddeeyay in Soomaaliya ay si buuxda u taageersan tahay mowqifka Kooxda Afrika (Africa Group). Waxa uu uga mahadceliyay UN-Habitat taageerada ay siiso dalalka soo koraya, gaar ahaan Soomaaliya, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in magaalooyinka dalka laga dhigo kuwo waara oo u adeegi kara dadka Soomaaliyeed ee xawaaraha ugu soo guuraya magaalooyinka.

Ka qayb-galka wafdigan ayaa muujinaya dadaalka dowladda Soomaaliya ugu jirto sidii ay qayb uga noqon lahayd qorshayaasha caalamiga ah ee lagu horumarinayo kaabeyaasha magaalooyinka iyo guryeynta qaranka.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Phone

+252 61 2 77 99 79

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

© 2025 Dalbilemedia. Xuquuqdu way dhawran tahay