Madaxweyne William Ruto iyo Marwada Koowaad Rachel Ruto ayaa hoggaaminaya dalka xuska Maalinta Geesiyaasha oo ka dhacday Garoonka Kipchoge Keino ee magaalada Eldoret, oo ka tirsan ismaamulka Uasin Gishu.
Madaxweyne Ruto ayaa goobta soo gaaray saacadda markay ahayd 10-kii subaxnimo, daqiiqado yar ka dib markii ay goobta soo gaareen Marwada Koowaad Rachel Ruto, Madaxweyne Ku-xigeenka Kithure Kindiki, iyo MADAXA Golaha Wasiirrada Musalia Mudavadi.
Munaasabaddan, oo hal-ku-dhaggeedu yahay “Amniga, Ciyaaraha iyo Dhaqaalaha,” ayaa markii ugu horreysay si wadajir ah waxaa u martigeliyay saddexda ismaamul ee kala ah Uasin Gishu, Nandi, iyo Elgeyo Marakwet.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ka mid ah marti-sharafta lagu casuumay ee ka qayb galay.
