Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

10 / 100 SEO Score

Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya, ahna Ra’iisul Wasaaraha dalkaas, Amiir Maxamed bin Salmaan, ayaa magaalada Riyadh ku qaabilay Ra’iisul Wasaaraha Bulgaria, Rumen Radev, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo ballaarinta iskaashiga labada dal.

Kulanka oo qabsoomay maalintii Axadda ayaa diiradda lagu saaray xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Sacuudiga iyo Bulgaria, fursadaha lagu horumarin karo iskaashiga labada dowladood iyo sidii loo ballaarin lahaa wada-shaqeynta dhinacyada kala duwan. Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka iyo kuwa caalamka, iyo dadaallada socda ee lagu wajahayo caqabadaha jira.

Ka hor kulanka rasmiga ah, waxaa magaalada Riyadh lagu qabtay munaasabad soo dhaweyn ah oo heer sare ah, halkaas oo Dhaxal-sugaha Sacuudiga uu ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Bulgaria. Rumen Radev ayaa dhankiisa muujiyay farxadda uu ka qabo booqashadiisa Sacuudiga iyo fursadda uu kula kulmay hoggaanka dalkaas.

Munaasabadda waxaa ka qeyb galay xubno sare oo ka tirsan dowladda Sacuudiga, oo ay ku jireen Wasiirka Arrimaha Dibadda Amiir Faysal bin Farxaan, Wasiirka Ganacsiga Dr. Maajid Al-Qasabi, Wasiirka Dalxiiska Axmed Al-Khatiib iyo Wasiirka Dhaqaalaha iyo Qorsheynta Faysal Al-Ibraahim, iyo mas’uuliyiin kale.

Dhanka Bulgaria, waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan wafdiga Ra’iisul Wasaaraha, oo ay ku jireen Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Dhaqaalaha, Maalgashiga iyo Warshadaha Alexander Pulev, Wasiirka Arrimaha Gudaha Ivan Demerdzhiev, Wasiirka Gaadiidka iyo Isgaarsiinta Georgi Peev iyo mas’uuliyiin kale.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

Phone

+252 61 2 77 99 79