Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

9 / 100 SEO Score

Hay’adaha ammaanka Kenya ayaa faahfaahin ka bixiyay sababaha loo masaafuriyay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid, oo sidoo kale hore u soo noqday Ku-simaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Sida lagu sheegay warbixinta, dowladda Kenya ayaa ku eedeysay Jibriil inuu haystay dukumiintiyo Kenyan ah oo si sharci darro ah lagu helay.

Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in Jibriil lagu tuhunsan yahay inuu ku lug lahaa qorshe lagu qalqal gelinayo amniga magaalooyin ku dhow xadka Kenya iyo Soomaaliya.

Waxaa lagu eedeeyay inuu hub diyaarad ku geeyay mid ka mid ah magaalooyinka ku dhow xadka, isagoo la sheegay inuu ka sii amba-baxay Garoonka Caalamiga ah ee Jomo Kenyatta (JKIA) si hub loogu qaybiyo maleeshiyaad beeleed, taas oo Kenya ku tilmaantay khatar amni.

Sidoo kale, warbixintu waxay ku xirtay Jibriil iska horimaadyadii hubeysnaa ee dhowaan ka dhacay magaalada Baydhabo, kuwaas oo sababay dhimashada dad rayid ah iyo barakaca boqolaal qoys. Hay’adaha Kenya waxay intaas ku dareen in dadaallo ay sameeyeen siyaasiyiin Kenyan ah oo lagu doonayay in arrintan lagu xalliyo ay fashilmeen.

Waxa kale oo ay sheegeen in Jibriil uu dib u cusbooneysiistay baasaboorkiisa, iyadoo la sheegay in sawirrada dukumiintigaas la baahin doono.

Eedeymahan ayaa ah kuwo ay soo bandhigeen hay’adaha ammaanka Kenya, mana jiro illaa hadda wax jawaab rasmi ah oo ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ama Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Jibriil Cabdirashiid.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

Phone

+252 61 2 77 99 79