Madaxweynaha Dowladda Deegaanka Soomaalida (DDS), Mudane Mustafe Muxummed Cumar, ayaa maanta daah-furay Kuliyadda Xirfadaha iyo Farsamada Gacanta Maax-Dugsiiye ee magaalada Awbare.
Kulliyaddan casriga ah oo lagu dhisay kharash dhan 218 milyan oo birr, kana kooban 21 dhisme (blocks), isla markaana ku fadhida dhul baaxaddiisu dhan tahay 25 hektar, ayaa loogu talagalay inay sannad kasta waxbarasho iyo tababaro xirfadeed siiso 1,500 arday.
Kulliyaddu waxay leedahay dhammaan kaabeyaasha muhiimka u ah waxbarasho tayo leh, oo ay ku jiraan hoyga iyo cuntada ardayda, fasallada waxbarashada, xarumaha tababarka gacanta, xafiisyada maamulka iyo adeegyo kale oo dhammaystiran.
Sidoo kale, waxaa ku dhex yaalla goobo nasasho iyo garoomo ciyaareed oo loo dhisay si waafaqsan heerarka kulliyadaha xirfadaha iyo farsamooyinka. Ugu dambayn, Madaxweynaha iyo masuuliyiinta la socday ayaa dhir-beeris ka sameeyay gudaha kulliyadda, iyagoo muujiyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta deegaanka iyo horumarinta goobaha waxbarashada.
