Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

9 / 100 SEO Score

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xarigga ka jaray Waddada Kalkaal ee degmada Kaxda, taasi oo ah tan ugu dheer dhanka dhererka waddooyinka uu hirgeliyay Maamulka Gobolka Banaadir, isla markaana isku xirta degmada Kaxda iyo Afgooye. Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), oo munaasabadda xarig-ka-jarka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in maamulka gobolka ay ka go’an tahay dardargelinta mashaariicda horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, isagoo xusay in waddooyinku yihiin laf-dhabarta horumarka bulshada.

“Dhismaha waddooyinku ma aha oo keliya horumar bilicda lagu soo celinayo, waa maalgashi lagu xaqiijinayo isku socodka bulshada, kobaca dhaqaalaha iyo mustaqbalka Caasimadda. Maamulka Gobolka Banaadir waxaa ka go’an inuu shacabka gaarsiiyo adeegyo tayo leh iyo kaabayaal waara,” ayuu yiri Guddoomiye Dr. Muungaab.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

Phone

+252 61 2 77 99 79