Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

9 / 100 SEO Score

Golaha Wasiirrada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa inay yeeshaan shir gaar ah oo looga hadlayo arrimaha la xiriira dhaqan-gelinta dastuurka cusub, xilli ay weli taagan yihiin khilaafaad siyaasadeed oo ka dhashay wax ka beddelkii lagu sameeyay cutubyo kamid ah dastuurka KMG ah.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa qaadaysa tallaabooyinka lagu kala qaado xilalka wasiir iyo xildhibaan, iyadoona wasiirada loo jeedin doono in labada xil mid uun inay qaataan.

Sidoo kale Golaha wasiirada ayaa adkeyn doono go’aankii madaxweynaha Soomaaliya, kaasi oo ah in muddo xileedka hay’addaha dowladda uu ku egyahay 15 May 2027, taasi oo muran xooggan ka taagan.

Shirkan ayaa imanaya iyadoo mucaaradka iyo qaar kamid ah maamul goboleedyada ay si adag uga hor yimaadeen habkii loo meel mariyay dastuurka, iyagoo ku doodaya in aan la helin wadatashi qaran oo loo dhan yahay.

Xukuumadda Federaalka ayaa dhankeeda ku adkeysanaysa in dhammeystirka dastuurka uu muhiim u yahay dhismaha dowladnimo casri ah iyo hirgelinta nidaamka doorashooyinka dalka.

Waxaa la filayaa in kulanka maanta kasoo baxaan go’aamo la xiriira jadwalka dhaqan-gelinta qodobada cusub iyo sidii loo wajihi lahaa cadaadiska siyaasadeed ee jira.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Phone

+252 61 2 77 99 79

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

© 2025 Dalbilemedia. Xuquuqdu way dhawran tahay