Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

9 / 100 SEO Score

Siyaasiinta mucaaradka Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan xubnaha saami qeybsiga la wadaaga madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulamo muhiim ah kula yeeshay odayaasha dhaqanka magaalada Muqdisho, iyagoo ka wada hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo jihada ay u socoto.

Kulamadaas ayaa diiradda lagu saaray walaaca laga qabo hanaanka doorashooyinka, iyadoo mucaaradku iyo odayaasha dhaqanka ay isku raaceen in la gaaray waqtigii si dhab ah looga hadli lahaa mustaqbalka siyaasadda dalka.

Waxay si cad u sheegeen in aan la aqbali karin doorasho hal dhinac ah, taas oo ay ku tilmaameen mid halis gelin karta xasilloonida iyo midnimada Soomaaliya.

Siyaasiinta mucaaradka ayaa sidoo kale sheegay in tallaabooyinka uu qaadayo madaxweynaha ay si toos ah ugu qormi doonaan magaca beelaha ay matalaan, taas oo ka dhigaysa arrin u baahan feejignaan iyo in la maro waddo hore loogu soo maray xalinta khilaafaadka siyaasadeed.

Madasha Samatabixinta Mucaaradka ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday olโ€™ole ay ugu magac dartay โ€œBadbaado Qaranโ€, kaas oo ay ku diidan yihiin siyaasadda dowladda, islamarkaana ay ku dalbanayaan in la qabto doorasho heshiis lagu yahay.

Raโ€™iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in ay ka daaleen dadaallo ay hore ugu sameeyeen dowladda, balse aan wax natiijo ah laga gaarin.

Rooble ayaa yiri:โ€œDalka wuxuu u baahan yahay badbaado qaran oo ay ka qeyb qaadato Soomaaliya oo dhan.โ€

Wuxuu sidoo kale si kulul u dhaliilay madaxweynaha, isagoo sheegay in uusan dheg jalaq u siin talooyinka kala duwan ee loo soo jeediyay, islamarkaana uu dalka ku wado jihada uu isaga doonayo.

Ugu dambeyn, Rooble ayaa ka digay in Soomaaliya ay wajahday marxalad halis ah, isagoo xusay in haddii aan xal degdeg ah la helin ay suuragal tahay in dalka uu galo xaalad kala qeybsanaan ah.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa haatan u muuqata mid sii cakirmeysa, iyadoo la filayo in maalmaha soo socda ay soo baxaan dhaqdhaqaaqyo iyo goโ€™aanno kale oo saameyn ku yeesha jihada siyaasadda Soomaaliya

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Phone

+252 61 2 77 99 79

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

ยฉ 2025 Dalbilemedia. Xuquuqdu way dhawran tahay