Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

9 / 100 SEO Score

Xildhibaanad Fahiima Yuusuf Cabdullaahi (Quuje), oo ka tirsanayd Baarlamaanka maamulka Waqooyi Bari  ayaa ku dhawaaqday inay iska casishay xubinnimadii Baarlamaanka iyo xilkii ay ka haysay maamulkaas, iyadoo sheegtay inay ka tanaasushay mowqifkii ay hore uga qaadatay qaddiyadda Waqooyi Bari, isla markaana ay dib ugu laabanayso Somaliland oo ay ka baxday sanadkii 2023.

Qoraal ay soo saartay ayay Fahiima Quuje ku sheegtay inay go’aansatay inay joojiso dhammaan masuuliyadihii ay ka haysay Waqooyi Bari, isla markaana ay ku biirayso dhinaca Somaliland. Fahiima Quuje ayaa hore door muuqda uga qaadatay halgankii ay Waqooyi Bari kaga hortimid maamulka Somaliland ee ka dhacay magaalada Laascaanood, hase yeeshee muddooyinkii dambe waxay si joogto ah u dhaliilaysay maamulka Waqooyi Bari ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye).

Dhanka kale, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dowladda Waqooyi Bari ayaa 10-kii Luulyo 2026 Golaha Wakiillada u gudbiyay codsi ku saabsan in xasaanadda laga qaado Xildhibaan Fahiima Yuusuf Quuje, si loogu soo taago maxkamad dacwad loo haysto.

Golaha ayaa qorsheeyay in 18-ka Luulyo 2026 la horgeeyo mooshinka xasaanad ka qaadista xildhibaannada.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Fahiima Quuje ay ka baxday deegaannada Waqooyi Bari ka hor inta aan la guda gelin arrinta xasaanad ka qaadista, iyadoo la sheegay inay u baxday Somaliland.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

Phone

+252 61 2 77 99 79