Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

9 / 100 SEO Score

Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa lagu qabtay shir looga hadlay xoojinta ammaanka iyo dardargelinta howlgalada lagu sugayo nabadgelyada deegaanada Dowladda Koonfur Galbeed.

Shirka Amniga ayaa waxaa guddoominayay Wasiirka Amniga Dowladda Koofur Galbeed, Maxamed Xuseen Joon, waxaana wehlinayay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Kulanka waxaa ka qeyb galay saraakiil sare oo ka socotay Ciidanka Xoogga Dalka, Ciidanka Booliiska, Ciidanka Birmadka, Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka, maamulka Gobolka Baay iyo maamulka degmada Baydhabo.

Intii uu socday shirka ayaa diiradda lagu saaray adkeynta amniga guud ee magaalada Baydhabo iyo deegaanada ku hareereysan, xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha ammaanka, iyo dardargelinta howlgalada ka dhanka ah kooxaha amniga qalqal geliya.

Mas’uuliyiinta iyo saraakiisha ka qeyb gashay kulanka ayaa sidoo kale isla meel dhigay muhiimadda ay leedahay isku dubbaridka howlaha amniga iyo sare u qaadidda feejignaanta ciidamada, si looga hortago falalka lidka ku ah nabadgelyada iyo xasilloonida deegaanada Koonfur Galbeed.

Shirkan ayaa kusoo aadaya xilli dowlad goboleedyada iyo Dowladda Federaalka ay wadaan dadaallo lagu xoojinayo amniga guud ee dalka iyo howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Phone

+252 61 2 77 99 79

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

© 2025 Dalbilemedia. Xuquuqdu way dhawran tahay