Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

9 / 100 SEO Score

Burcad-badeed Soomaali ah ayaa Jimcihii afduubtay markab shidaal oo marayay meel ka baxsan xeebaha bari ee Yemen, sida ay xaqiijiyeen ciidamada ilaalada xeebaha Yemen.

War-saxaafadeed ay soo saareen ciidamada ilaalada xeebaha Yemen ayaa lagu sheegay in markabka shidaalka ee ASANA lagu qabsaday meel qiyaastii 26 mayl-badeed u jirta xeebaha gobolka Hadramout, kaddib markii ay weerareen kooxo burcad-badeed Soomaali ah. Ciidamada ilaalada xeebaha ayaa sheegay in xaruntooda howlgalka ay si degdeg ah ula xiriirtay hay’adaha caalamiga ah iyo maamulka badda ee ka howlgala gobolka si loo xaqiijiyo xaaladda markabka, loona xoojiyo dadaallada lagu ilaalinayo amniga maraakiibta maraysa Gacanka Cadmeed.

Sidoo kale, warbixinta ayaa sheegtay in cutubyo ka tirsan ilaalada xeebaha Yemen iyo doon ciidan loo diray goobta uu markabku ku sugnaa, halka diyaarado kormeer ah ay dusha kala socdeen dhaqdhaqaaqiisa.

Macluumaadka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in markabka si tartiib ah loogu waday dhinaca koonfur-bari, isagoo u jihaysan xeebaha Soomaaliya.

hanka kale, hay’adda UK Maritime Trade Operations (UKMTO) ayaa hore u shaacisay in markab marayay Gacanka Cadmeed, qiyaastii 65 mayl-badeed koonfur kaga beegan magaalada Al Mukalla ee Yemen, ay fuuleen dad aan fasax haysan xilli uu ku sii jeeday dhinaca bari.

Afduubkan ayaa noqonaya markabkii afraad ee muddo bilo gudahood ay gacanta ku dhigaan kooxaha burcad-badeedda Soomaalida. Sidoo kale, saddex markab oo kale ayaa weli lagu haystaa xeebaha gobollada Bari iyo Mudug ee Puntland, iyadoo kooxaha heysta ay dalbanayaan lacago madax-furasho.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

Phone

+252 61 2 77 99 79