Madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), ayaa magaalada Laascaanood ku qaabilay saraakiil sare oo ka socota Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo safar shaqo ku tagay magaalada.
Kulanka ayaa qeyb ka ahaa dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga dhinaca amniga iyo dib u habeynta ciidamada, iyadoo Taliska Ciidanka Daraawiishta Waqooyi Bari iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ay si wadajir ah uga shaqeynayaan horumarinta, casriyeynta iyo dardargelinta qorshaha dib u habeynta ciidamada difaaca.
Mas’uuliyiinta ayaa adkeeyay muhiimadda wada-shaqeynta labada ciidan si loo kordhiyo tayada, tababarka iyo diyaar-garowga ciidamada, loona xoojiyo amniga deegaannada Waqooyi Bari.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheynaysa inay magaalada Laascaanood ka hirgeliso Talis Goboleed cusub oo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Taliska cusub ayaa la filayaa inuu maamulo cutubyada Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan gobollada waqooyi, iyadoo ujeeddadiisu tahay xoojinta hannaanka hoggaanka ciidamada iyo isku dubbaridka howlgallada ciidamada Federaalka ee ka socda deegaannadaas.
