Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

9 / 100 SEO Score

Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in xubnaha Beesha Caalamka ay bilaabeen dadaallo xooggan oo lagu dhex dhexaadinayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Hoggaanka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ay qeyb ka yihiin maamullada Puntland iyo Jubbaland.

Kulankan la qorsheynayo ayaa lagu wadaa inuu diiradda saaro dejinta xiisadda siyaasadeed ee sii xoogeysaneysa ee ka dhalatay muranka doorashooyinka iyo cabashooyinka mucaaradka.

Sida ay sheegayaan xogaha la helayo, waxaa kulanka garwadeen ka noqon doona Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, iyadoo ay sidoo kale goob joog ka ahaan doonaan wakiillo kale oo ka socda Beesha Caalamka ee ku sugan Muqdisho.

Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in hoggaamiyeyaasha Puntland iyo Jubbaland la filayo inay soo gaaraan magaalada Muqdisho si ay uga qeyb galaan wada-hadallada muhiimka ah ee lagu raadinayo xal siyaasadeed oo deg-deg ah.

Dhinacyada ayaa la filayaa inay si gaar ah uga doodaan khilaafka ka dhashay qorshaha dowladda ee doorashooyinka qof iyo codka ah, arrintaas oo mucaaradku ku eedeeyeen dowladda inay si kali-talisnimo ah u waddo, iyada oo aan laga gaarin heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u muuqata inay aqbashay dalab mucaaradku horay u soo jeediyeen oo ahaa in wada-hadallada lagu qabto goob dhexdhexaad ah oo ay goob-joog ka yihiin xubno ka socda Beesha Caalamka.

Safaaradda Mareykanka iyo diblomaasiyiin kale oo caalami ah ayaa la sheegay inay door muuqda ka ciyaarayaan isku soo dhaweynta dhinacyada isku haya jihada siyaasadeed ee dalka, iyadoo dadaalladan loo arko kuwa muhiim u ah xasilloonida Soomaaliya iyo hannaanka siyaasadeed ee soo socda.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Phone

+252 61 2 77 99 79

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

© 2025 Dalbilemedia. Xuquuqdu way dhawran tahay