Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

9 / 100 SEO Score

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa mar kale muwaadiniinteeda ku sugan Baxrayn kula talisay inay muujiyaan “taxaddar iyo feejignaan heerka ugu sarreeya ah”, kaddib markii ay soo saartay digniin cusub oo dhinaca amniga ah.

War-saxaafadeed ay wasaaraddu Axaddii ku baahisay barta X, ayay ku sheegtay in muwaadiniinta Maraykanka ee ku sugan Baxrayn ay feejignaadaan, sababo la xiriira khatarta sii kordhaysa ee weerarro hubeysan oo ay geysan karaan Xuutiyiinta Iiraan taageerto iyo isku dayada Iiraan ay ku beegsanayso mas’uuliyiinta iyo xarumaha dowladda Maraykanka ee gobolka.

Dadka safraya waa inay u diyaar garoobaan digniino amni oo degdeg ah, baajinta duullimaadyada, xiritaanka hawada iyo carqalado kale oo ku yimaada isu-socodka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in Iiraan ay weerarro ku qaadday bartilmaameedyo Maraykanku leeyahay oo ku yaalla Kuwait iyo Baxrayn.

Waxay sidoo kale sheegtay in Xuutiyiinta ay Iiraan taageerto ay weerarro ka geysteen Sacuudiga, kuwaas oo ay ku jiraan weerarro lagu beegsaday garoomada diyaaradaha rayidka iyo kaabayaasha kale ee muhiimka ah.

Weerarradaas ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah, waxayna si weyn u carqaladeeyeen isu-socodka iyo gaadiidka.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

Phone

+252 61 2 77 99 79