Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

4 / 100 SEO Score

Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay ku shaacisay go’aanno cusub oo la xiriira amniga, la-dagaallanka tahriibka, iyo dhaqdhaqaaqa mas’uuliyiinta iyo ciidamada ku sugan deegaannada Puntland. Go’aannadan ayaa ka soo baxay shir ay yeesheen Guddiga Amniga Puntland iyo wasaaradaha la shaqeeya, waxaana lagu sheegay in lagu xoojinayo amniga iyo kala dambeynta deegaannada Puntland. War-saxaafadeedka ayaa lagu mamnuucay in gaadiid tikniko ah oo ay wataan maleeshiyaad sharci-darro ah ay ku dhex socdaan gobollada Puntland, iyadoo ciidamada ammaanka la faray inay tallaabo ka qaadaan cid kasta oo ku xadgudubta amarkan.

Sidoo kale, Puntland ayaa mamnuucday in ciidamo maleeshiyaad ah laga qorto deegaannadeeda, iyadoo lagu sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo ku lug yeelata abaabulka ama qorista maleeshiyaad.

Qodob kale oo war-saxaafadeedka ku jiray ayaa lagu sheegay in mas’uuliyiinta iyo saraakiisha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee doonaya inay ka howlgalaan ama ay dhaq-dhaqaaqyo ka sameeyaan Puntland ay marka hore maraan hannaan sharci ah oo waafaqsan nidaamyada Puntland.

Puntland ayaa sidoo kale ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah tahriibka, iyadoo amar lagu bixiyay in la xiro goobaha iyo xafiisyada lagu tuhmo inay ku lug leeyihiin tahriibinta dadka. Waxaana la sheegay in tallaabooyin sharci ah laga qaadi doono dadka tahriibiya dadka iyo kuwa fududeeya tahriibka.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale mamnuucay shirar lagu sheegay kuwo lagu waxyeelleynayo amniga iyo xasilloonida Puntland, iyadoo lagu adkeeyay in cid kasta oo jebisa amarradan lala tiigsan doono sharciga. Ugu dambeyn, Puntland ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya uga digtay waxa ay ku tilmaantay hub iyo ciidamo sharci-darro ah oo la geeyo deegaannadeeda, iyadoo sheegtay in tallaabooyin adag laga qaadi doono cid kasta oo ku lug yeelata falalkaas.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

Phone

+252 61 2 77 99 79