Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

13 / 100 SEO Score

Shirkadda Waamo, oo muddo ka badan 15 sano ka shaqaynaysay adeegyada nadaafadda iyo soo celinta bilicda goobaha kala duwan, ayaa magaalada Kismaayo kusoo bandhigtay agab cusub oo casri ah oo ay ku jiraan haamaha qashinka lagu ururiyo iyo gawaari gaar ah oo loogu talagalay qaadista qashinka.

Waamo waa shirkad si gaar ah loo leeyahay oo ku takhasustay adeegyada nadaafadda deegaanka, waxaana ay door muuqda ka qaadatay ilaalinta nadaafadda iyo bilicda xarumaha waxbarashada, isbitaallada, suuqyada, hoteellada, xafiisyada iyo guryaha ku yaalla magaalada Kismaayo iyo deegaannada kale ee ay ka hawlgasho.

Bandhigga agabkan cusub ayaa qayb ka ah dadaallada shirkaddu ugu jirto horumarinta adeegyada nadaafadda iyo kor u qaadista wacyiga bulshada ee ku aaddan ilaalinta deegaanka. Gawaarida iyo qalabka la soo bandhigay ayaa la filayaa inay sare u qaadaan hufnaanta ururinta iyo qaadista qashinka, isla markaana gacan ka geystaan yaraynta wasakhowga deegaanka.

Muddo ka badan shan iyo toban sano oo waayo-aragnimo ah, Waamo waxay dhistay sumcad ku salaysan adeeg tayo leh, shaqo hufan iyo ka go’naansho ay ugu adeegayso bulshada. Shirkaddu waxay sidoo kale si joogto ah ula shaqaysaa hay’adaha dowladda, ganacsatada iyo bulshada rayidka ah si loo xaqiijiyo deegaan nadiif ah, caafimaad qaba, isla markaana soo jiidasho leh.  

 

Mas’uuliyiinta shirkadda ayaa sheegay in agabkan cusub uu qeyb ka yahay qorshe ballaaran oo lagu ballaarinayo adeegyada nadaafadda magaalada Kismaayo, iyadoo la adeegsanayo farsamooyin iyo qalab casri ah oo waafaqsan heerarka caalamiga ah.

Waamo waxay sii waddaa dadaalladeeda ku aaddan dhismaha magaalo nadiif ah, deegaan caafimaad qaba iyo bulsho ku nool jawi bilicsan, iyadoo rumeysan in nadaafaddu ay tahay saldhigga horumarka iyo caafimaadka bulshada.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Phone

+252 61 2 77 99 79

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

© 2025 Dalbilemedia. Xuquuqdu way dhawran tahay