Xananbuure, Galgaduud – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo tababar uga socda Dugsiga Tababarka deegaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud.
Kormeerka Taliyaha waxaa ku wehliyay Taliyaha Qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Maxamed Dhagawayne, iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada.
Ujeedka kormeerka ayaa ahaa qiimeynta xaaladda ciidamada ku jira tababarka, tayada aqoonta iyo xirfadaha ay baranayaan, iyo dhiirigelinta ciidamada si ay u xoojiyaan gudashada waajibaadka qaran ee saaran.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ciidamada kula dardaarmay inay sare u qaadaan anshaxa, kartida iyo u diyaar garowga difaaca dalka, si ay door muuqda uga qaataan sugidda amniga iyo howlgalada lagu ciribtirayo kooxaha Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya qeybo kamid ah dalka.
Kormeerkan ayaa kusoo aadaya xilli la filayo inay deegaannada Galmudug ka qabsoomaan doorashooyin qof iyo cod ah, iyadoo ay jiraan xiisado siyaasadeed oo la xiriira arrimaha doorashooyinka iyo mowqifyada kala duwan ee madaxda dhinacyada maamulkaasi.
