Agaasimaha ciyaaraha ee Arsenal, Andrea Berta, ayaa si farxad leh uga hadlay saxiixa weeraryahanka cusub ee kooxda, Viktor Gyokeres.

Berta wuxuu yiri:
“Aad ayaan ugu faraxsanahay heshiiska heerka sare ah ee aan kusoo qaadanay Viktor Gyokeres.
Viktor waa ciyaaryahan leh hibo gaar ah oo si joogto ah u muujiya tayo iyo maskax guul-doon ah — kuwaas oo looga baahan yahay weeraryahan buuxa. Awoodiisa jireed, caqligiisa ciyaareed iyo anshaxa shaqo ee adag, waxay si buuxda ula jaanqaadayaan aragtida kooxdeena.”
“Waxaan hubnaa in Viktor uu saameyn weyn ku yeelan doono garoonka isla markaana uu ka noqon doono shakhsi muhiim ah gudaha qolka labiska. ”
Gyokeres ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigga Arsenal ka caawin kara inay ku guuleystaan horyaalka, maadaama uu yahay weeraryahan ay kooxda muddo badan raadineysay.
KALA SOCO WARARKEENNA DALBILE RADIO 98.0Mhz KISMAAYO IYO NAWAAXIGEEDA.