Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

Kooxda Real Madrid ayaa la sheegay inay qorsheyneyso inay u soo bandhigto Manchester City labo ciyaaryahan iyo €40 milyan, si ay ula wareegto khadka dhexe ee reer Spain, Rodri.

Sida uu qoray CaughtOffside, kooxda Los Blancos ayaa tixgelinaysa heshiis weyn oo ay ku jiraan xiddigaha Rodrygo GoesEduardo Camavinga, iyo lacag dhan €40m, si ay Man City ugu qanciso inay la gasho wadahadallo.

Kaddib markii uu Toni Kroos shaaciyey inuu ka fariistay ciyaaraha, Rodri ayaa noqday bartilmaameed muhiim ah oo la sheegay inuu yahay xiddigga ugu habboon ee uu macallinka Real Madrid Xabi Alonso doonayo inuu ku aasaaso nidaamkiisa cusub ee farsamo, isagoo qiimeynaya khibraddiisa iyo doorkiisa ciyaareed.

Waxaa jira warar sheegaya in Manchester City ay bilaabi doonto qorshe ay ku raadinayso badalka Rodri, inkastoo heshiiskiisa Etihad uu dhacayo sannadka 2027.

Si kastaba ha ahaatee, wararka ayaa tilmaamaya in Real Madrid aysan degdeg saneyn.waxaa la shaaciyay in ay sugi doonto ilaa xagaaga dambe si ay si rasmi ah ugu dhaqaaqdo saxiixa xiddigan ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or.

KALA SOCO WARARKEENNA DALBILE RADIO 98.0 Mhz KISMAAYO IYO NAWAAXIGEEDA.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Phone

+252 61 2 77 99 79

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

© 2025 Dalbilemedia. Xuquuqdu way dhawran tahay