Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile


Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Khamiis ah wadahadal mirodhal ah kula yeeshay magaalada Baku , Wasiirka Arrimaha Dibadda Azerbaijan, Mudane Jeyhun Bayramov.

Wadahadallada ayaa diirradda lagu saarray xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo soo banbixinta fursadaha iskaashi ee dhinacyada ganacsiga, beeraha , tamarta , waxbarashada iyo amniga. Labada dhinac ayaa waxa ay caddeeyeen muhiimadda ay leedahay ambaqaadka wadatashiga iyo iskuduwidda arrimaha la falgalaya xiriirka dhinacyada badan, sida Qaramada Midoobay, Dhaqdhaqaaqa Wadamada Siyaasaddoodu dhex-dhexaadka tahay ee aan janjeerin (NAM) iyo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

Kulankani ayaa waxa uu ka tarjumayaa dardarta xooggan ee xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal ka dhexeeya, waxa ayna markale caddayn u tahay sida ay uga go’antahay labada dhinac wax wadaag walaalnimo oo nacfi is-dhaafsi leh.

Kala Soco Wararkeenna Dalbile Radio 98.0Mhz Kismaayo Iyo Nawaaxigeeda.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Phone

+252 61 2 77 99 79

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

© 2025 Dalbilemedia. Xuquuqdu way dhawran tahay