Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

4 / 100 SEO Score

Dowladda Jubaland waxay si adag u cambaareyneysaa colaadaha iyo xasillooni-darrada ka dhacay magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac soo gaaray shacabka rayidka ah.

Dowladdu waxay ugu baaqaysaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadda inay si degdeg ah u joojiyaan dagaalka, ilaaliyaan nolosha shacabka, kana fogaadaan tallaabo kasta oo sii hurin karta xaaladda amni ee gobolka Mudug.

Sidoo kale, Dowladda Jubaland waxay bogaadineysaa dadaallada nabadeed ee ay hormuudka ka yihiin odayaasha dhaqanka, culimada iyo waxgaradka deegaanka, kuwaas oo door muuqda ka qaatay dejinta xiisadda iyo dhiirrigelinta wada-hadallada nabadda.

Dowladdu waxay ku baaqaysaa in si buuxda loo ixtiraamo xeerarka bani’aadannimada, lana xaqiijiyo badqabka dadka rayidka ah, iyadoo la fududeynayo gaarsiinta gargaarka bani’aadannimo ee dadka ay saameeyeen colaadaha.

Ugu dambeyn, Dowladda Jubaland waxay ugu baaqaysaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedka Puntland iyo dhammaan hay’adaha ay khusayso inay sii xoojiyaan wada-shaqeynta lagu xaqiijinayo nabad waarta, xasillooni iyo isfaham ka hanaqaada gobolka Mudug.

— DHAMMAAD —

 

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

Phone

+252 61 2 77 99 79