Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

9 / 100 SEO Score

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga (UNHCR) ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay sii wadi doonto taageerada ay siiso Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka, si loo caawiyo bulshada soo barakacay, inkastoo ay jiraan caqabado la xiriira hoos u dhaca maalgelinta caalamiga ah. Kulan dhowaan ka dhacay Muqdisho, Wakiilka Ku-meel-gaarka ah ee UNHCR Soomaaliya, Jing Song, ayaa la kulantay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), si ay uga wada hadlaan xaaladda barakacayaasha iyo dadaallada lagu horumarinayo xalal waara oo loogu talagalay dadka lagu qasbay inay ka cararaan guryahooda.

Labada dhinac ayaa isla meel dhigay muhiimadda ay leedahay sii wadidda iskaashiga dhow ee u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ah, si loo xoojiyo taageerada loo fidinayo dadka barakacay iyo qaxootiga, loona abuuro fursado dib-u-dejin, nolol-maalmeed iyo adeegyo aasaasi ah.

UNHCR ayaa mar kale xaqiijisay sida ay uga go’an tahay in ballanqaadyada la sameeyo loo beddelo waxqabad muuqda oo saameyn togan ku yeesha nolosha dadka nugul, iyadoo mudnaanta la siinayo xalal waara oo kor u qaada adkeysiga iyo horumarka bulshooyinka ay saameeyeen colaadaha iyo masiibooyinka.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

Phone

+252 61 2 77 99 79