Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

10 / 100 SEO Score

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa u hanjabay dowladda Iran, isagoo sheegay in Maraykanku uu qaadi doono weerarro ballaaran oo ka dhan ah Iran haddii ay isku daydo ama ay fuliso qorshe lagu doonayo in lagu khaarijiyo isaga. Qoraal uu ku daabacay bartiisa bulshada ee Truth Social, ayuu Trump ku yiri:

Kun gantaal ayaa loo diyaariyey, laguna beegsaday Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran. Haddii hanjabaadda dowladda Iran ee lagu doonayo in lagu dilo madaxweynaha Maraykanka la fuliyo, kumannaan gantaal oo kale ayaa isla markiiba la ridi doonaa.”

Trump ayaa sidoo kale sheegay in amaradii lagama maarmaanka ahaa hore loo bixiyay, isla markaana ciidamada Maraykanku ay diyaar u yihiin inay “si buuxda u burburiyaan dhammaan goobaha Iran” muddo hal sano ah, iyadoo ay jirto suurtagalnimada in muddadaas la kordhiyo.

Wuxuu farriintiisa ku soo gabagabeeyay: “Mahad oo dhan waxaa iska leh Alle.” Hanjabaaddan ayaa timid kadib markii ay soo baxeen warar sirdoonka Israa’iil ay sheegeen oo ku saabsan qorshe cusub oo la sheegay in Iran ay ku doonayso inay ku disho Trump, iyo sidoo kale sawirro iyo halku-dhegyo lagu soo bandhigay intii lagu jiray aaska Ayatollah Cali Khamenei.

Mas’uuliyiinta Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ayaa hore u beeniyay eedeymaha sheegaya inay qorsheynayeen in la khaarijiyo Donald Trump.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

Phone

+252 61 2 77 99 79