Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

9 / 100 SEO Score

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Uganda, Danjire Fardowso Maxamed Khanyare, ayaa soo dhaweysay wafdi ka socda dowladda iyo ganacsatada Uganda, kuwaas oo ka qaybgalaya shirka Guddiga Joogtada ah ee Wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Uganda (JPC), oo 21–22-ka Oktoobar ka dhacaya magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa labada dal fursad u siinaya inay dib u eegaan heshiisyadii hore u dhexmaray, qiimeeyaan heerka fulintooda, isla markaana dejiyaan wejiga xiga ee iskaashiga labada dhinac.

Iskaashiga la filayo in diiradda lagu saaro waxaa ka mid ah ganacsiga iyo maalgashiga, iyadoo Soomaaliya iyo Uganda ay labaduba xubno ka yihiin Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Ujeeddada shirka ayaa ah in saaxiibtinimada muddada dheer ka dhexeysa labada dal loo beddelo iskaashi wax ku ool ah oo natiijooyin muuqda u horseeda shacabka Soomaaliya iyo Uganda.

 

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

Phone

+252 61 2 77 99 79