Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

9 / 100 SEO Score

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa sheegay in hubka Qaranka loo adeegsanayo beegsiga siyaasiyiinta, xilli sida uu sheegay kooxda Al-Shabaab ay weli ku sugan tahay meelo aan ka fogeyn magaalada Muqdisho.Shariif Sheekh Axmed ayaa yiri: “Hubkii Qaranka ayaa lagu gumaadayaa siyaasiyiinta, iyadoo Muqdisho meel aan ka fogeyn ay joogaan Al-Shabaab.”

Madaxweynihii hore ayaa hadalkan ku muujiyay walaac ku aaddan xaaladda amniga iyo siyaasadda dalka, isagoo ku baaqay in ciidamada iyo hubka Qaranka loo adeegsado la dagaallanka Al-Shabaab iyo difaaca shacabka, halkii loo adeegsan lahaa khilaafaadka siyaasadeed.

Hadalka Shariif Sheekh Axmed ayaa kusoo beegmaya xilli ay weli socdaan dadaallo lagu raadinayo xal siyaasadeed oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka iyo khilaafaadka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

Phone

+252 61 2 77 99 79