Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in aan loo baahnayn in hub lagu dhex qaato magaalada Muqdisho, isagoo xusay in xaaladda amni ee caasimaddu ay soo hagaagayso.Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in isaga qudhiisu uu saaka maray waddooyinka Muqdisho, isla markaana uusan la kulmin waddooyin loo xiray, isagoo sheegay inuu la galay saxmadda gaadiidka ee shacabka.
Ayadoo magaaladan boqol boqol loo dhimanayay ayaan saaka waddo la ii xirin oo aan Tarabuunka jaam ku galay anigoo dadka la siman,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.
Wuxuu sheegay in dowladdu ay ka shaqeynayso xoojinta amniga iyo sidii Muqdisho u noqon lahayd magaalo ay shacabka si nabad ah ugu noolaan karaan, isagoo tilmaamay in aan loo baahnayn in hub lagu dhex sito caasimadda.
