Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya, Raila Odinga, ayaa geeridiisa ka dib lagu maamuusay munaasabadda Maalinta Halyeeyada Qaranka ee Mashujaa Day, isaga oo ka mid ah 264 qof oo Kenyan ah oo lagu aqoonsaday kaalintii ay ka geysteen horumarka dalka.
Munaasabadda ayaa Talaadadii, 20-ka Oktoobar, ka dhacday garoonka Kipchoge Keino Stadium ee magaalada Eldoret, ismaamulka Uasin Gishu, waxaana guddoominayay Madaxweynaha Kenya, William Ruto.
Raila Odinga, oo ahaa hoggaamiyihii geeriyooday ee xisbiga ODM, ayaa lagu aqoonsaday doorkii tobannaan sano uu ku lahaa halganka dimuqraadiyadda xisbiyada badan, dib-u-habaynta dastuurka iyo hirgelinta nidaamka awood-qaybsiga maamul ee dowlad-goboleedyada. Waxa uu sidoo kale Ra’iisul Wasaare ka soo noqday Kenya intii u dhexeysay 2008 iyo 2013.
Shakhsiyaadka kale ee la maamuusay waxaa ka mid ah siyaasigii rug-caddaaga ahaa William Ole Ntimama, qareenka Pheroze Nowrojee iyo guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare ee Kenya, Willy Mutunga.
Ntimama, oo geeriyooday sannadkii 2016, ayaa lagu maamuusay adeeggiisii bulshada iyo dadaalladii uu ugu jiray difaaca xuquuqda bulshada. Nowrojee waxaa lagu aqoonsaday kaalintii uu ku lahaa difaaca xuquuqda aadanaha, ilaalinta dastuurka iyo horumarinta mihnadda sharciga, halka Mutunga lagu maamuusay doorkii uu ku lahaa dib-u-habaynta garsoorka iyo maamulka dalka ee ku saleysan dastuurka.
Dadka kale ee la maamuusay waxaa ka mid ah Amina Mohammed, oo ah diblomaasi iyo mas’uul dowladeed oo xilal sare ka soo qabatay Kenya iyo hay’adaha caalamiga ah.
Sida uu sheegay Agaasimaha Guud ee Golaha Halyeeyada Qaranka, Charles Wambia, goluhu waxa uu soo xulay shakhsiyaad dadaal dheeraad ah ka muujiyay mihnadahooda, isla markaana si weyn uga qeyb qaatay horumarka dalka.
264-ka qof ayaa lagu aqoonsaday 14 qaybood oo kala duwan, kuwaas oo ay ka mid yihiin halgankii xornimo-doonka, hoggaaminta diinta, aqoonta dhaqanka soo jireenka a
