Pakistan ayaa sheegtay inay qaaday duqeymo cirka ah iyo weerarro dhulka ah oo ka dhan ah bartilmaameedyo ay ku tilmaantay maleeshiyaad Islaamiyiin ah oo ku yaalla gudaha xadka Afghanistan. Wasiirka Warfaafinta Pakistan, Attaullah Tarar, ayaa sheegay in weerarradu ay ka dhaceen gobollada Paktia, Paktika iyo Kunar. Mas’uuliyiinta Taliban ee Afghanistan ayaa dhankooda sheegay in tobannaan qof oo rayid ah la dilay ama lagu dhaawacay weerarradaas. Weerarradan ayaa yimid maalmo yar kadib markii koox Islaami ah ay weerartay xero ay leeyihiin ciidamada ilaalada xuduudaha Pakistan (Rangers) oo ku taalla magaalada Karachi ee koonfurta dalka, halkaas oo lagu dilay saddex askari. Islamabad waxay ku eedeysay dowladda Taliban ee Kabul inay hoy iyo gabaad siiso maleeshiyaadka weerarrada ku qaada ciidamada Pakistan, eedeyntaas oo maamulka Kabul uuu beeniyay.
