Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

9 / 100 SEO Score

Ku-simaha Safiirka Dowladda Maraykanka ee Soomaaliya, Justin Davis, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Kismaayo, halkaasi oo ay kulan kula yeesheen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinaca amniga, xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyo arrimaha mudnaanta u leh xasilloonida, amniga iyo geeddi-socodka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay dadaallada lagu taageerayo la dagaallanka kooxaha amni darrada wada iyo sidii loo adkeyn lahaa wada shaqeynta u dhexeysa Jubbaland iyo saaxiibada caalamiga ah.

Socdaalka wafdiga Maraykanka ayaa kusoo aadaya xilli ay sii kordhayaan dadaallada Beesha Caalamka ee lagu doonayo in xal siyaasadeed looga gaaro khilaafka ka taagan arrimaha doorashooyinka iyo muranka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo mucaaradka.

Wararka ayaa sheegaya in wakiillada Beesha Caalamka ay cadaadis ku saarayaan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya inay dib ugu soo laabtaan miiska wadahadalka, si looga hortago xiisado horleh iyo qalalaase amni oo dalka ka dhaca.

Sidoo kale, dadaallo diblomaasiyadeed oo xooggan ayaa socda si markale la isugu keeno madaxda Dowladda Federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka, loona helo hannaan wadatashi iyo is-afgarad ku dhisan.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Phone

+252 61 2 77 99 79

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

© 2025 Dalbilemedia. Xuquuqdu way dhawran tahay