Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

9 / 100 SEO Score

Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ayaa digniin u diray dalalka martigeliya ciidamada Mareykanka, isagoo ugu baaqay inay isu diyaariyaan waxa uu ku tilmaamay “jawaab u dhiganta” haddii dhulkooda loo adeegsado weerarro ka dhan ah Iiraan.

Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Tasnim, oo xiriir dhow la leh dowladda Iiraan, IRGC ayaa ugu baaqay dalalkaas inay dhaqaajiyaan qorshayaashooda difaaca madaniga ah, islamarkaana ay shacabka ka fogeeyaan goobaha milatari ee laga yaabo in la bartilmaameedsado.

IRGC ayaa sidoo kale sheegtay in ciidamadeedu ay adeegsadeen gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn (drones) si ay u beegsadaan xarun saadka ciidamada Mareykanka ku leeyihiin Camp Arifjan ee dalka Kuwait, iyagoo ku andacoonaya inay halkaas khasaare gaarsiiyeen ciidamada ku sugnaa.

Sidoo kale, ciidamada Iiraan ayaa sheegay inay weerareen saldhigga cirka ee Ali Al Salem Air Base ee Kuwait, iyagoo ku doodaya inay hawlgab ka dhigeen nidaamyadii raadaarka, isla markaana ay burburiyeen hangar lagu dayactiro hubka iyo xarun lagu kaydiyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Ilaa iyo hadda, Mareykanka iyo dowladda Kuwait si rasmi ah ugama aysan hadlin sheegashooyinka Iiraan, mana jirto ilo madax-bannaan oo xaqiijiyay khasaaraha ay IRGC sheegatay.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

Phone

+252 61 2 77 99 79