Kismaayo – Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowladda Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ku qabtay kulan wadatashi (Stakeholder Engagement and Community Consultation) oo lagu falanqeeyay qorshaha lagu bilaabayo dhismaha xarunta cusub ee Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowladda Jubbaland.
Kulanka ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin ka socotay Dowladda Jubbaland, wakiillo ka socday Mashruuca Horumarinta Kheyraadka Dadweynaha ee Soomaaliya (SERP), ururrada bulshada rayidka ah, haweenka, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kale ee bulshada. Ka qaybgalayaashu waxay soo bandhigeen talooyin iyo aragtiyo ku saabsan mashruuca, si loo hubiyo in dhismaha xaruntu uu waafaqsan yahay baahiyaha bulshada iyo qorshaha horumarinta hay’adaha dowladda.
Xaruntan cusub ayaa waxaa maalgelinaya Mashruuca Horumarinta Kheyraadka Dadweynaha ee Soomaaliya (SERP), oo ay fulinayso Wasaaradda Maaliyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo maalgelinta mashruuca ay bixiso Bangiga Adduunka (World Bank).
Mas’uuliyiin ka socday SERP Project Coordination Unit (PCU), Maxamed Axmed Cantoobo iyo Xasan Maxamed Nuur, ayaa sharaxay ujeeddada kulanka, iyagoo sheegay in wadatashigu uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu hubinayo in daneeyayaasha iyo bulshada si buuxda loogu wargeliyo mashruuca, isla markaana la dhageysto fikradahooda iyo talooyinkooda ka hor inta aan la guda gelin hirgelinta dhismaha.
Waxay sidoo kale xuseen in mashruuca loo fulin doono si hufan, daahfuran, isla markaana waafaqsan shuruudaha iyo habraacyada uu dhigayo mashruuca, si loo xaqiijiyo in xarunta cusub ay si wax ku ool ah ugu adeegto Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowladda Jubbaland iyo bulshada ay u adeegaan.
Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowladda Jubbaland, Siyaad Ibraahim Maxamed, ayaa sheegay in dhismaha xaruntan cusub uu door weyn ka qaadan doono tayeynta shaqada guddiga, kor u qaadidda adeegyada shaqaalaha rayidka iyo xoojinta awoodda hay’adaha dowladda ee Jubbaland.
Mashruuca SERP ayaa ka mid ah barnaamijyada lagu taageerayo dib-u-habaynta maamulka dowladeed iyo horumarinta awoodda hay’adaha dowladda Soomaaliyeed. Dhismaha xaruntan cusub ayaa la filayaa inuu gacan ka geysto horumarinta kaabeyaasha dowladda iyo sare u qaadidda tayada adeegyada loo fidiyo shacabka Jubbaland.
