Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

9 / 100 SEO Score

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa galinka dambe ee maanta kulan gaar ah ka yeelanaya xaaladda Soomaaliya, iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dadaaleyso in diiradda la saaro taageerada amniga, ciidamada iyo saadka, halkii laga geli lahaa doodaha la xiriira xaaladda siyaasadeed ee gudaha dalka. Dowladda Soomaaliya waxay dooneysaa in kulanka lagu xoojiyo taageerada hawlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM iyo sidii loo heli lahaa dhaqaalaha lagama maarmaanka u ah sii wadidda hawlgallada amniga. Dowladda ayaa sidoo kale ka shaqeyneysa in kulanka looga fogaado arrimaha muranka dhaliyay ee la xiriira muddo-kororsiga iyo dagaalkii dhawaan ka dhacay dalka.

Kulanka waxaa Golaha Ammaanka warbixinno ku siin doona mas’uuliyiin ka socda Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika, kuwaas oo faahfaahin ka bixin doona xaaladda amni, horumarka hawlgallada socda iyo caqabadaha horyaalla qorshaha kala-guurka amniga Soomaaliya.

Warbixinnada hordhaca ah ee la gudbiyay ayaa muujinaya in kooxaha argagixisada ay weli awood u leeyihiin inay khatar ku sii ahaadaan amniga dalka. Sidoo kale, waxaa jira walaac ku saabsan saameynta ay dhaqaale-yaridu ku yeelan karto hawlgallada amniga iyo dadaallada lagu xasilinayo deegaannada laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab.

Dhanka dhaqaalaha, hawlgalka AUSSOM iyo taageerada saadka ee Qaramada Midoobay ayaa wajahaya baahi lacageed oo weyn. Xafiiska UNSOS wuxuu raadinayaa $130 milyan oo doolar, halka AUSSOM uu wajahayo miisaaniyad yari dhan $38.5 milyan. Khubaradu waxay ka digayaan in haddii aan la helin maalgelin ku filan ay taasi wiiqi karto dadaallada lagu sugayo amniga Soomaaliya iyo guulihii laga gaaray dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Natiijada kulankan ayaa la filayaa inay saameyn ku yeelato taageerada caalamiga ah ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, saadka iyo maalgelinta hawlgallada socda.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

Phone

+252 61 2 77 99 79