Garsooraha caalamiga ah Cumar Cabdulqaadir Cartan, ayaa u mahadceliyey “bahda kubadda cagta” iyo shacabka Soomaaliyeed taageeradii ay u muujiyeen, ka dib markii loo diiday inuu galo dalka Mareykanka, halkaas oo la qorsheynayay inuu ka mid noqdo garsoorayaasha dhex-dhexaadinaya tartanka Koobka Adduunka ee 2026. Cumar Cartan ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in inkastoo ay jiraan duruufahan adag, uu haddana ku sugan yahay niyad wanaagsan, uuna diiradda saarayo caqabadaha xiga ee mustaqbalka shaqadiisa garsoorenimo.
Cumar Cartan ayaa yiri: “Waxaan u mahadcelinayaa bahda kubadda cagta fariimihii ay ii soo fireen, waxaanan saaxiibadayda garsoorayaasha ah u rajaynayaa guul u sarreysa inta uu socdo Koobka Adduunka. Waxaan rajaynayaa inaan dib ula midoobo tartamada mustaqbalka. Sidoo kale, waxaan u mahadcelinayaa xiriirada FIFA iyo CAF taageerada ay ii muujiyeen, waxaanan ballan-qaadayaa inaan kor u sii qaadi doono heerkayga garsoorenimo xilli aan diiradda saarayo mustaqbalka.”
Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA ayaa xaqiijiyey in go’aankan uu yahay mid ka baxsan awooddooda, isla markaana aan dib loo beddeli karin.
Bayaan ka soo baxay FIFA ayaa lagu yiri: “FIFA waxay xaqiijinaysaa in garsoore Cumar Cartan uusan awoodi doonin inuu dhex-dhexaadiyo Koobka Adduunka 2026, ka dib markii loo diiday inuu galo dalka Mareykanka. FIFA kuma lug laha nidaamka socdaalka ee dalka martigelinaya, oo ay ku jirto bixinta fiisooyinka, waxaana mas’uuliyiinta dalkaasi ku wargeliyeen inaysan hadda waxba ka beddeli karin go’aanka ku saabsan mudane Cartan.”
Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa u sheegay Reuters inay wali socdaan dadaallo diblomaasiyadeed oo la doonayo in Cumar Cartan lagu geeyo Mareykanka si uu tartanka uga qeybgalo, balse wuxuu ka gaabsaday inuu bixiyo faahfaahin intaas ka badan.
Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya ayaa horay u sheegtay inay ku guul-dareysatay isku-dayo ay ku doonaysay inay wada-xaajood ugula gasho Mareykanka iyo FIFA si Artan uu dalka u galo, iyadoo muujisay inay si weyn uga xun tahay wixii dhacay.
Cumar Cartan oo sanadkii tagey noqday garsooraha ugu wanaagsan Afrika ayaa laga soo celiyay magaalada Miyaami, ee gobolka Florida, waxaana waaxda amniga Gudaha Mareykanka ay sheegtay in baaritaan lagu sameeyay kadib ay Mareykanka kasoo saareen, iyadoo xaqiijisay in fiisihiisu sax ahaa, balse loo diiday inuu galo dalkaas.
Garsooraha ayaa ku laabtay dalka Turkiga, markii Mareykanka laga soo celiyay.
Soomaaliya waa mid ka mid ah 12-ka waddan ee uu Madaxweyne Donald Trump muwaadiniintooda ka mamnuucay inay soo galaan dalka Mareykanka bishii December 2025, isagoo sabab uga dhigay halisaha la xiriira argagixisada.
