Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

5 / 100 SEO Score

Dowladda Hoose ee Degmada Kismaayo ayaa shaacisay qorshaha hirgelinta dhismaha Warta iyo Biyo-saarka Olympic, oo qayb ka ah Mashruuca Adkeysiga Magaalooyinka Soomaaliyeed (SURP II) iyo Mashruuca Nagaad. Mashruucan waxaa maalgelinaya Bangiga Adduunka, iyadoo ujeeddadiisu tahay horumarinta kaabeyaasha magaalada, yareynta fatahaadaha iyo xoojinta adeegyada bulshada.

Dhismaha Warta iyo Biyo-saarka Olympic ayaa loogu talagalay in lagu maareeyo biyaha roobabka, laguna xalliyo fatahaadaha soo noqnoqda ee saameeya magaalada Kismaayo, gaar ahaan aagga u dhexeeya Warta Olympic iyo Badda Qoryeley.

Mashruuca Nagaad wuxuu taageerayaa horumarinta magaalooyinka Soomaaliyeed, isagoo diiradda saaraya dhismaha iyo dayactirka kaabeyaasha muhiimka ah, hagaajinta adeegyada dowladda hoose, xoojinta adkeysiga cimilada iyo abuurista fursado shaqo oo bulshada deegaanka ay ka faa’iideysan karto.

Sidoo kale, waxaa la diyaariyey qorshe deegaan iyo bulsho oo lagu yareynayo saameyn kasta oo ka dhalan karta hirgelinta mashruuca, iyadoo mudnaanta la siinayo ilaalinta deegaanka, badbaadada bulshada iyo shaqaalaha ka qeyb qaadanaya fulinta mashruuca.

Mashruucu wuxuu sidoo kale bulshada deegaanka u abuuri doonaa fursado shaqo iyo tababbarro farsamo, kuwaas oo kor u qaadi doona xirfadaha iyo dakhliga dadka deegaanka.

Dhismaha Warta iyo Biyo-saarka Olympic ayaa qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo magaalada Kismaayo, kor loogu qaadayo adeegyada aasaasiga ah, isla markaana lagu dhisayo magaalo adkeysi u leh isbeddelka cimilada iyo caqabadaha ka dhasha fatahaadaha.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

Phone

+252 61 2 77 99 79