Dowladda Soomaaliya ayaa beddeshay saraakiishii hoggaaminaysay howlgalka Banooda, kaddib markii uu fashilmay qorshihii hore ee lagu doonayay in maleeshiyaadka Al-Shabaab looga saaro deegaanno istiraatiiji ah oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose.
Wararka laga helayo howlgalka ayaa sheegaya in dowladda ay saraakiishii hore qaarkood xirtay, kuwa kalena laga wareejiyay hoggaamintii iyo galalkii howlgalka, iyadoo la sugayo go’aannada ka soo bixi doona baaritaannada lagu sameynayo fashilka howlgalka.
Sida ay baahisay Yoolbaar Media, dowladda Federaalka ayaa hoggaaminta howlgalka cusub u dhiibtay Gaashaanle Maxamed Bashiir, oo loo yaqaan Col Shiine, kaas oo horay u ahaa taliyaha ciidamada Kumaandooska Danab ee qeybta Galmudug.
Taliyaha cusub ayaa la sheegay in laga soo wareejiyay qeybta Galmudug, loona dhiibay hoggaaminta ciidamada Danab ee howlgalka ka wada aagga Balli-doogle ilaa Jameeco, gaar ahaan howlgalka Banooda.
Dhanka kale, wararka saaka laga helayo furimaha dagaalka ayaa sheegaya in ciidamada Xoogga Dalka, gaar ahaan Kumaandooska Danab, oo xalay ku hoyday afaafka hore ee deegaanka Jameeco, ay saaka ku sii dhowaanayaan la wareegidda gacan ku haynta deegaankaas.
Sida ay saraakiil xog-ogaal ah sheegeen, howlgalka cusub oo socday muddo sagaal maalmood ah ayaa ujeeddadiisu tahay in maleeshiyaadka Al-Shabaab laga saaro dhulka u dhexeeya Balli-doogle iyo Jameeco, isla markaana laga sifeeyo miinooyinka ay ku aaseen waddooyinka iyo goobaha muhiimka ah ee deegaanka.
Dib-u-habeynta hoggaanka howlgalka ayaa timid kaddib markii saraakiil ka tirsan taliska sare ay saraakiishii hore ku eedeeyeen inay si khaldan u maamuleen howlgalka, taasoo sababtay in qorshihii hore ee Banooda dib loo qaabeeyo.
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo faahfaahinaya isbeddellada lagu sameeyay hoggaanka howlgalka iyo xaaladda ugu dambeysay ee dagaalka Jameeco.
