Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

9 / 100 SEO Score

Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayaa war-saxaafadeed kasoo saaray qalalaasihii ka dhacay magaalada Garoowe 7-dii June 2026, kaasi oo la xiriiray ciidamo ka tirsan Booliska Birmadka oo si sharci darro ah u hakiyay isku socodka gaadiidka islamarkaana carqaladeeyay amniga iyo kala dambeynta caasimadda.

Booliska Puntland ayaa sheegay in dhacdadaasi aysan ka tarjumeyn nidaamka iyo waajibaadka ciidanka, balse ay ahayd fal ay ku lug lahaayeen shaqsiyaad dano gaar ah leh oo la doonayay in lagu dhaawaco sumcadda ciidamada iyo dowladnimada Puntland.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in la xiray 18 askari oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen falkaasi, iyadoo baaritaanno rasmi ah ay socdaan, isla markaana la horgeyn doono Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Sidoo kale, Taliska Booliska Puntland ayaa sheegay inay ka shaqeynayaan dib u soo celinta sumcadda Ciidanka Birmadka kadib dhacdadii ka dhacday Garoowe, iyagoo xusay in aan loo dulqaadan doonin fal kasta oo lid ku ah amniga iyo xasilloonida Puntland.

Ugu dambeyn, Ciidanka Booliska Puntland ayaa shacabka ka raalli geliyay qalalaasihii dhacay, waxayna adkeeyeen in ilaalinta amniga iyo kala dambeynta ay tahay waajibaad dastuuri ah oo aysan ka leexan doonin.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Phone

+252 61 2 77 99 79

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

© 2025 Dalbilemedia. Xuquuqdu way dhawran tahay