Ciidanka Booliska Caasimadda, gaar ahaan Saldhigga Garasbaaley, ayaa fuliyay hawlgallo lagu xoojinayo ciribtirka anshax-xumada iyo falalka lidka ku ah dhaqanka suuban ee Islaamka iyo akhlaaqda bulshada Soomaaliyeed. Hawlgalkaas ayaa lagu soo qabtay laba eedeysane oo lagu eedeeyay inay baraha bulshada, gaar ahaan TikTok, ku faafinayeen muuqaallo anshax-xumo ah.
Boolisku wuxuu sheegay in eedeysanayaashan la horgeyn doono maxkamadda awoodda u leh si sharciga loo waafajiyo.
Sidoo kale, Ciidanka Booliska ayaa sheegay inay weli ku raad-joogaan dhowr eedeysane oo lala xiriirinayo falal dhaqan-xumo ah oo lagu sameeyay gabar Soomaaliyeed, iyagoo ugu baaqay shacabka in ay la wadaagaan xog kasta oo ku saabsan eedeysanayaasha, si ay ula xiriiraan saldhigga ugu dhow ama lambarka degdegga ah ee 991.
