Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

9 / 100 SEO Score

Booliska Kenya ayaa dhigay xannibaado iyo baro kontorool waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Nairobi ka hor dibadbaxyada la qorsheeyay ee Saba Saba, iyadoo isu socodka dadweynaha uu aad u yaraaday, dadkuna ay sugayaan mudaharaadyada maanta oo Talaado ah.

Baraha kontoroolka ayaa laga sameeyay qaybo ka mid ah waddooyinka Nairobi iyo Mombasa, halka isu socodka gaadiidku uu noqday mid gaabis ah.

Sidoo kale, waddooyinka u dhow xarunta Baarlamaanka Kenya ayaa lagu xiray xayndaabyo silig qodxo leh.

Maanta oo 7-da Luulyo ah ayaa ku beegan sannad-guuradii 36-aad ee dibadbaxyadii taariikhiga ahaa ee Saba Saba, kuwaas oo horseeday cadaadis lagu dalbanayay nidaamka xisbiyada badan, isla markaana sababay in Kenya ka guurto nidaamkii hal xisbi ee xukunka dalka hayay.

Tan iyo markaas, shacabka Kenya ayaa sannad kasta maalintan isugu soo baxa waddooyinka si ay uga hadlaan xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee ay ku eedeeyaan dowladda.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

Phone

+252 61 2 77 99 79