Qaramada Midoobay ayaa si rasmi ah ururkii Ahlu Sunna Waljamaaca (ASWJ) uga saartay liiska kooxaha lagu eedeeyo ku lug lahaanshaha xadgudubyada carruurta xilliyada colaadaha hubeysan, kaddib markii la xaqiijiyay in ururkaasi aanu hadda u jirin koox hubeysan oo madaxbannaan.
Warbixinta sannadlaha ah ee Qaramada Midoobay ee ku saabsan Carruurta iyo Colaadaha Hubeysan ayaa lagu sheegay in xubnihii ASWJ ay si buuxda ugu biireen hay’adaha amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya, taasoo horseedday in laga saaro liiska dhinacyada lagu daba-galo askaraynta carruurta iyo xadgudubyada kale ee la xiriira colaadaha. Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa soo dhoweysay go’aanka Qaramada Midoobay, iyadoo ku tilmaantay tallaabo muujinaysa horumarka laga gaaray dib-u-habeynta hay’adaha amniga, xoojinta dowladnimada iyo ilaalinta xuquuqda carruurta.
Wasaaraddu waxay sheegtay inay hormuud ka ahayd dadaalladii iyo wada-hadalladii farsamo ee lagu xaqiijiyay xaaladda Ahlu Sunna Waljamaaca, iyadoo Dowladda Federaalka ay Qaramada Midoobay u gudbisay codsi rasmi ah oo ku saleysan xaqiiqooyinka ka jira dalka.
Geeddi-socodka dib-u-eegista ayaa waxaa ka qayb qaatay hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah dowladda, Qaramada Midoobay iyo saaxiibbada caalamiga ah, kuwaas oo wadajir u xaqiijiyay in ASWJ aysan hadda ahayn koox hubeysan oo madaxbannaan.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa uga mahadcelisay Qaramada Midoobay, UNICEF, Dowlad-goboleedyada iyo dhammaan saaxiibbada caalamiga ah taageerada ay ku bixiyeen arrintan, iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya mar kale xaqiijisay sida ay uga go’an tahay ilaalinta carruurta, dhowrista xuquuqda aadanaha iyo dhismaha hay’ado amni oo waafaqsan heerarka caalamiga ah.
